Ra’iisal Wasaaraha XFS oo Booqday Baydhabo

Baydhabo – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay maanta gaaay  magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlad Goboleedka Koonfur galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.

“Baydhabo waa magaaladii ugu horraysay ee howlo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkaan waa mid shaqo oo qayb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgaliyay, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur galbeed si uu uga dhagaysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo booqashada ay ku yimaadeen deegaanka, waxuuna tilmaamay in ay yeelan doonaan wadatashiyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.