Kismaayo – (warsoor) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa haatan waxaa uu kulan kul leeyahay Magaalada Kismaayo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ee dhowaan la doortay.
Cumar Cabdirashiid ayaa mudanayaasha kala hadli doona arrimaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo sidii ay waajibaadkooda Shaqo ugu gudan lahaayeen si habsami leh iyo inay codkooda ku badbaadiyaan Dalka maaddaama ay dhowaan dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xigasho: SONNA