Ingiriiska – (warsoor) – Theresa May Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa uga digtay baarlamaanka dalkaasi inay horjoosadaan ka bixintaanka inay Ingiriisku ka baxo midowga Yurub. Digniinta Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska ayaa soo baxday ka dib markii ay maxkamadda sare ee Ingiriisku sheegtay in aanay bilaabi karin hanaanka ingiriisku uga baxayo midowga Yurub ilaa ay ogolaansho ka helaan baarlamaanka dalkaasi.
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ambiil ka qaadan doonto khamiista go’aanka maxkamadda. Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa hogaamiyaayaasha midowga Yurub u sheegtay in ay meel adaga ka taagan tahay ka bixitaanka midowga.
Ra’iisal wasaaraha Ingiiriska ayaa bayaan ay soo saartay iyadoo ku sii jeedaha shir ganacsi oo ka dhacay a dalka Hindiya waxay baarlamaanka dalkaasi uga digtay inay ka soo horjeedsadaan aftididii dalkaasi ku go’aansaday inuu ka baxo midowga Yurub.