UK – (warsoor) – Ugu yaraan 22 qof ayaa ku geeriyoodey weerarkii fiidnimadii Isniinta ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingriiska. Booliska ayaa sheegay in qofka ismiidaamiyey ee weerarka fuliyey uu ahaa 22 jir magiciisa la yiraahdo Salamaan Cabidi.
Ururka IS ee isku magacaaba Dowladda Islaamka ayaa sheegtey in ay fuliyeen weerarkii xafladda ka dhacaysey Manchester.
Qaraxa ayaa dhacay kadib markii uu dhamaaday bandhigaasi heesaha xalay [10:30] habeenimo saacada Ingiriiska, waxaana lala beegsaday weerarkan mid kamid ah albaabada ay dadka ka baxaan xili ay dadku goobtaasi ka baxayeen.
Boolisku faah-faahin dheeraad ah kama bixin qofka weerarka fuliyey keliya waxay sheegeen magiciisa iyo daโdiisa.
Wararku waxay sheegayaan Salmaan Cabidi uu ku dhashey isla magaalaada uu weerarka ka geystey ee Manchester, isaga iyo saddex walaalihiis ah. Qoyska Cabidi ayaa la sheegayaa in ay aasal ahaan ka soo jeedaan dalka Libya, sida laga soo xiganayo qaar kamid ah wargeysyada Ingriiska waxaana ay ka soo baxssadeen dalkaas xiligii uu ka talin jirey Qaddaafi.
Xigasho: HORSEEDMEDIA