Boosaaso โ (warsoor) – Shan qof ayaa geeriyootay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen, kadib markii Qof dhagar qabe ah oo isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Magaalada Boosaaso oo u waramay Wakaalada Wararka Soomaaliyee ee SONNA ayaa sheegay goobta uu dhagar qabahan isku qarxiyay ay aheyd meel wado ah oo ay ku badanyihiin Dadka shacabka ah.
Ciidamada Amaanka Boosaaso ayaa goobta mashaqadu ay ka dhacay soo gaaray, ayadoo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay loola cararay isbitaalada magaalada boosaaso.
Kooxda Argagixisada Al shabaab ayaa weerarada nuucaan oo kale ah lagu yaqanaa ,ayagoona bartilmaameed koodu yahay meelaha ay iskugu yimaadaan Buslshada soomaaliyeed.
Xigasho: SONNA