Qarax lagu dilay 12 qof oo ka dhacay Pakistan

BAKISTAAN – (WARSOOR) – Ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay, labo qarax oo ismiidaamin ahaa oo Talaadadii ka dhacay deegaan ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.

Weerarka oo ka dhacay degmada Bannu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 32 kale, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen.
Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto.

Mintidiin ayaa laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay suuq mashquul badan oo u dhaw saldhig ciidan. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay kadib markii dhismayaal ka ag-dhawaa goobta ay ku soo dumeen kuwii ka dambeeyay qaraxa.

Ugu yaraan lix maleeshiyo ayaa sidoo kale lagu dilay dagaal xigay sida ay ilo-wareedyo sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in kooxda Jaish Al-Fursaan oo aan caan ahayn ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Maleeshiyadan ayaa dhowr jeer beegsaday Bannu.