Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Qarax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayey saraakiil ka tirsan cidiamada booliska ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa nooca lagu rakibo baabuurta ayaa waxaa gaadhigiisa lagu soo xidhay Cabadishakuur Xusen Cabdi oo ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu magacaabay , sida uu sheegay afhayeenka gobolka.

Qaraxa ayaa waxaa ka bad-baaday askari oo kale oo la saarnaa baabuurkiisa, kaasi oo uu gaaray dhaawac, islamarkaana hadda lagu dabiibayo isbitaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna xireen iska socodka dadka iyo gaadiidka agagaarka qaraxu ka dhacay. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen warbaahintooda waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa.