Putin oo booqasho ku jooga Kuuriyada Waqooyi

KUURIYADA-WAQOOYI – (WARSOOR) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbacada gaaray Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine.

Kremlin-ka ayaa duullaan ballaaran ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine sanadkii 2022-kii.