Garoowe – (warsoor) – Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland ayaa madaxweyne u doortay Siciid Cabdilaahi Diini waxaanu ku guulaystay 34 cod.
Doorashadan oo gashay 3 wareeg, waxaa wareegii koowaadba ku hadhay madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Cali Gaas.
Wareega 3-aad waxaa isku soo hadhay Siciid Cabdilaahi Diini iyo Generaal Asad Cismaan Cabdilaahi oo helay 32 Cod.
