Maraykanka – (warsoor) – Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa aqalka cad kula kulmi doona madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, ka dib olole cidhiyo ku dagaal ah oo dhex maray labada xisbi ee ay ka soo kala jeedaan.

Labadan nin ayaan wax wadda xidhiidh ahi aanu dhex maray tan iyo markii uu Donald Trump shaki galiya jinsiyada dhalashada ee Barack Obama sidoo kale uu balan qaaday inuu daaqada ka tuuri doono dhamaan siyaasadaha uu saxeexay Obama, ka dib marka uu xilka la wareego 20 January 2017.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xiligii uu u ololaynaayey Hillary Clinton waxaa uu si ba’an u wareeray Donald Trump waxaanu sheegay in aanu maskax ahaan fayo qabin sidaasi daraadeedna aan lagu aamini karin in gacanta loo galiyo furayaasha sirta ah ee hubka Nuclear-ka Maraykanka.