Netanyahu oo dib isaga riixay cadaadiska lagu saarayo xabbad-joojinta

Tel Aviv – (WARSOOR) – Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniinti dib isaga riixay cadaadis gudaha iyo dibadda uga yimid Isniinti, kaas oo looga dalbanayo in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo uu la gaaro Xamaas, si loo dhameeyo coladda Gaza iyo in dib Isra’il loogu celiyo la heystayaasha reer Isra’il ee ku sugan Gaza.

Cadaadiskan ayaa yimid, kaddib marki lix ka mid ah la heystayaasha meydadkooda laga helay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen Xamaas. La heystayaasha ayaa la sheegay in la dilay wax yar ka hor inta aysan ciidamada Isra’il gaarin halka lagu hayay.

Natanyahu ayaa sheegay in aysan jirin cid uga dadaal badan sii deynta la heystayaasha, isla markaana uusan aqbaleyn in arrintaasi loogaga khudbeeyo.

Wuxuu kaloo ku celiyay in Isra’il ay dib ula wareegeyso Marinka Gaza, gaar ahaan dariiqa loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar, halkaas oo uu sheegay in ay tahay marinka Xamaas loo soo mariyo hubka.

Xamaas iyo Masar labaduba waa ay beeniyeen eedda Natanyahu.

Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenki Axadda ku mudaaharaaday magaalooyinka waaweyn, iyaga oo dalbaday in xukuumadda Natanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta Gaza si loo soo daayo la heystayaasha.

Mudaaharaadyo kale ayaa xalay ka dhacay bannaanka guriga Natanyahu ee bartamaha Qudus, iyo sidoo kale bannaanka hore ee xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Natanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay in Natanyahu uusan shaqo wax ku ool ah ka qaban wadahadallada heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. Isaga oo sheegay.

Dhanka kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay joojineyso qaar ka mid ah hubka ay u dirto Isra’il, sababo la xiriira iyada oo ka baqeysa in ay ku jabiso xeerarka caalamiga ah.