Mudane Muuse oo ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf ahayd oo Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga uu u sameeyay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf ahayd oo Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu u sameeyay waftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii saddexaad ku sugan dalkaasi iyo Jaaliyadda Reer Somaliland ee halkaa ku dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay Mudane Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

“Waxa la yaableh Caalamku abaal-gud ayuu u siiyey aqoonsigii inaga dhexeeyey, ilayn Soomaaliya Republic-gii hore ee la wada lahaa ayuu aqoonsaday caalamku labadii dawladood, kii inaga dhexeeyey waxay ku abaalmariyeen, kuwaa ku fashilmay inay dalkooda maamulaan, waxaana laga indho qarsaday in qaybta ictiraafka qaybtoodii la siiyo kuwaa dalkoodii dhistay, waana waxyaabaha lays waydiinayo ee tolow madaxda caalamku ee ay ugu horeeyaan kuwa Afrika ee IGAD, AU-du Tolow indhahoodu sideebay wax u Arkaan?… ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabd.