Madaxweyne cigaal ayaa Alle ha u naxariisto safar shaqo isku soo maray wadamada USA,ITALY iyo Ethiopia, markii uu maraykan tagey ayaa waxa uu xidhiidh la sameeyey xafiiska looga taliyo dawlada maraykanka ( state department) ka.
Hadaba markii in badan raadiyey in uu xafiiska madaxweynaha gaadho ayuu fursad u helay qaar ka mid xafiisyada madaxweynaha loo maro , xafiiskaasi waxa joogtay gabadh Susan la odhan jirey oo ahayd madaxweynihii xiligaasi ee maraykanka xoghayeyaasha u khaaska ah.
Markii la is wareystay telifoon ayuu cigaal ku yidhi waxa aan ahaa raisal wasaarihii soomaaliya ee 1968 madaxweyne Johnson kula kulmay guriga cad , imikana dadkaygii oo ka go’ay dawladii aanu barigaasi isku darsanay ayaa madaxweyne ii doortay oo aan dantooda u socdaa .
Gabadhii ayaa yaabtay oo ku tidhi inta aanan dalabkaaga iyo waxa aad u socoto madaxweyne ku weydiin su’aal kaftana ma ku weydiiyaa ? Haa buu yidhi , waxa ay tidhi soddon sano iyo dheeraad miyaan cidiba idiin dhalan !
Markii cigaal waxii uu kala kulmay maraykanka ka waramayey ayuu hadalkiisa ku soo daray waxa jirtay gabadh kalkaaliye u ahayd xafiiska madaxweynaha oo aanu cirkaa iskula baxnay xiliyada qaar sidii aanu hadal isugu wadnay aakhirkii waxa ay noo sheegtay in ay fariintayadii gaadhsiisay laakiin wakhti naloo waayey.
Isku soo wada xoori oo waxa aan uga socdaa maanta jamhuuriyada Somaliland dhibaatooyinka taagan ayey ka mid tahay in aan siyaasada laga hawlgabin oo ay soddon sanadood ina hortaagan yihiin kooxdii dawladii soomaaliya la soo shaqeysay.
Marka aad eegto wadamada hareeraheena wax badan baa is badelay, waxa yimi jiilal cusub oo aragtiyo cusub wata iyo qorsheyaal siyaasadeed oo casri ah , qayb ka mid ah caqabadaha jamhuuriyada Somaliland haysta ayey yihiin hogaankaa umada ee dadkiisii iyo da’yartii dalka wakhtiga siin la , waxaanay abuureen siyaasad hebelo ku dhisan si dadku qof u aaminaan, aduunkana waa la tijaabiyey oo qof aragti siyaasadeed wata ayuun baa wax badela ee hebelo soo taagan oo umada isku badbadelaa wax ay keeni karaan baan jirin.
Anigu dadka aaminsan horjoogeyaasha iyo hebelada kama mid ahi , waxa aan qabaa in dalkani hadii nidaamka dawladnimo ee loo dejiyey laga shaqeysiin lahaa in maanta meel aad uga wanaagsan halka la joogo la gaadhi lahaa.
Ugu yaraan intii ka dambaysay maalintii dastuurka jamhuuriyada Somaliland loo codeeyey 31 May 2001 oo ay ka soo wareegtay 22 sanadood doorashana kuma dhicin xiligii loo asteeyey oo doorashada Madaxtooyada sadexda goor ee la qabtayba way mudo dhaaftay , doorashada wakiilada labada goor ee la qabtayba mudo dhaaf ayey ahaayeen , doorashada deegaanka oo sadex goor la qabtayna la mid bay ahayd , halka ilaa maanta aan la qaban doorashadii golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil