Militariga Gabon oo afgambiyay dowladdii madaxweyne Ali Bongo

LIBREVILLE — (WARSOOR) – Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada waddanka Gabon ayaa kasoo muuqday telefishinka qaranka saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxayna sheegeen inay la wareegeen talada dalka, daqiiqado ka dib markii guddiga doorashada ee dalkaas uu ku dhawaaqay in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Iyaga oo kasoo muuqday TV-ga Gabon 24, ayaa saraakiishan sheegeen inay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo kuwa difaaca ee dalka Afrikada dhexe.

Waxay sheegeen in la laalay natiijada doorashada, dhammaan xuduudahana la xiray illaa amar dambe, isla markaana la kala diray hay’adaha dowladda, waxaana hay’adaha dowlada ee la kala diray ka mid ah, Xukuumadda, Guurtida, Golayaasha Qaranka, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo guddiga Doorashooyinka.

Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayay magaalada caasimadda ah ee Libreville, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, kadib markii ay saraakiishan kasoo muuqdeen Telefishinka.

Inqilaabkan ayaa haddii lagu guuleysto wuxuu noqonayaa kii siddeedaad ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika tan iyo sannadkii 2020.

Afgembiyada Mali, Guinea, Burkina Faso, Chad iyo Niger ayaa wiiqay horumarkii dimoqraadiyadda sanadihii la soo dhaafay.