Messi oo kooxdiisa Inter Miami u dhaliyay goolka guusha wakhtigii dhimashada kulankiisii ugu horeeyay

Lionel Messi ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxdiisa cusub ee Inter Miami ee horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer u dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada, kadib markii 2-1 ay kaga badiyeen kooxda MX Cruz Azul kulankoodii Leagues Cup ee ka dhacay garoonka Fort Lauderdale ee gobolka Florida.

Messi ayaa gool bilisyoon ah kooxdiisa u dhaliyay daqiiqaddii ugu dambeeysay ee ciyaarta, guushaas oo ay si weyn ugu dabbaal degaan taageerayaasha kooxdiisa Inter Miami.

โ€œWaan ogaa inay tahay in aan gool dhaliyo, waxa ay ahayd fursaddii ugu dambaysay ee ciyaarta,waxa ay ahayd in aan gool dhaliyo si aynaan u aadin rigoorayaalโ€ayuu Messi yiri.

โ€œAad ayay muhiim noogu ahayd inaan helno guushaan, sababtoo ah waa tartan cusub, waxayna na siin doontaa kalsooni aan horay ugu soconoโ€. ayuu raaciyay.