Maxkamadda Sare ee Kenya oo hakisay go’aanka ciidan loogu dirayo Haiti

NAIROBI — (WARSOOR) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan ay si ku-meel gaar ah ugu hakisay tallaabadii ay xukuumadda Kenya ay ku doonaysay inay ciidamo boolis ah ugu dirto dalka Haiti, ee ay ka jiraan falalka amni darrada ee kooxaha burcadda.

Maxkamadda ayaa ku go’aanka ay soo saartay ku tilmaantay in qorshaha xukuumadda uu yahay mid dastuurka dalka baal marsan.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli toddobaadkii hore ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel mariyeen in Kenya ay hagaamiso hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada booliska loogu diro dalka Haiti.