Maxkamadda ICC oo soo saartay amarro lagu soo xirayo Netanyahu, Gallant iyo Deif

Hague – (WARSOOR) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiista maanta ah soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.

“Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan,” ayey bayaan ay soo saartay ku tiri Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague.

Waxay sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Deif, sida lagu yiri bayaanka.

Amarrada xiritaan ayaa lagu sifeeyay “sir” si loo ilaaliyo marqaatiyaasha iyo habsami u socodka baaritaanada, ayay tiri maxkamada.

“Si kastaba, garsoorayaasha ayaa go’aansadey in la sii daayo xogta hoos ku qoran maadaama ay u muuqato in dhaqan la mid ah kii lagu xusay amarka xiritaan uu socdo,” ayay tiri maxkamadda.

“Intaa waxaa dheer, garsoorayaasha waxay u arkaan inay dani ugu jirto dhibanayaasha iyo qoysaskooda in la ogeysiiyo jiritaanka amarka xiritaan.”

Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza.

Netanyahu ayaa Gallant ka ceyriyay xilkii wasiirka gaashaandhigga 5-tii November.

Khan ayaa sidoo kale dalbaday waaran xiritaan oo ka dhan ah madaxda sare ee Xamas oo uu ku jiro Mohammed Deif oo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Dacwad oogaha ayaa laalay codsigii Haniyeh 2-dii Agoosto “sababtoo ah duruufaha isbedelay ee ka dhashay dhimashada Mr Haniyeh” ee Tehran July 31, ICC ayaa goor sii horeysay sidaas ku sheegtay bayaan.

Sida ay sheegtay Israel, Deif waxaa lagu dilay weerar 13-kii July ka dhacay koonfurta Gaza, inkastoo Xamas ay beenisay inuu dhintay.

Tan iyo markii Xamas ay fulisay weerarkeedii October 7, 2023, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israa’iil, Israa’iil waxa ay dagaal ka wadday Gaza, oo ay maamusho Xamas.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Xamas ee Marinka Gaza ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in ugu yaraan 44,056 lagu dilay 13 bilood oo Gaza uu ka socday dagaalka, halka 104,268 qof oo kale ay dhaawacmeen.