Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Adeegyadda Maxkamaddaha Gaadhsiisay Degaano Gobolka Sanaag Ka Tirsan

Ceerigaabo – (warsoor) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sanaag Jaamac Cawil Aadan ayaa adeegga wareega ee maxkamaddaha gaadhsiiyey degaano kamid ah gobolka Sanaag.

Degaanadda adeegan uu gaadhsiiyey guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sanaag ayaa ahaa degaano ku yaalla miyiga koonfurta degmada Ceel Afweyn,waxaanay maxkamaddu halkaas kusoo dhegaysatay murano iyo khilaaf la xidhiidha dhinaca dhulka oo soo kala dhex galay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degaanadaasi.

Waxay sidoo kale maxkamadda gobolka Sanaag dacwado kala duwan oo heer gobol ah kasoo fulisay, kuna dhegaysatay gudaha maxkamadda degmada Ceel-Afweyn, iyada oo bulshadda degaanadaasi ku nooli ay si kal furan usoo dhoweeyeen adeegga cadaaladda ee loogu geeyey goobohooda.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sanaag  Jaamac Cawil Aadan oo isna goobaha uu dacwadda ku qaadaayey ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey adeegga garsoorka ee la gaadhsiiyey degaanaddaasi ,waxaanu sheegay in dadka degaanaddani ay kasoo kabanayaan colaadihii degaanadaasi ka dhacay, isla markaana ay imanayaan maxkamaddaha si ay sharciga ugu kala baxaan kuwooda cabanayaa,waxaanu tilmaamay in nabadgelyadda ka hirgashay degaanadaasi ay sabab u noqotay in dacwaddaha lagu qaado goobaha miyiga ah, waxaanu xukuumadda Somaliland iyo madaxda dhaqanka ee Somalilandba ku amaanay sidii ay uga qayb qaateen nabadaynta degaanadda degmada Ceel Afweyn.Attachments area