Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta goob fagaara ah ku gubtay Qaad si dhuumaaleysi ah loo soo galiyay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gadiidka XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in ay gubeen Qaad si qaldan loo soo geliyey Dalka,isaggoo intaa raaciyay in Qaadkan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.
Ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Qaadkasi lagu gubay meel fagaare ah oo ka tirsan gudaha Garoonka.
Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19.