Maxkamad ka mamnuucday Trump doorashada gobolka Colorado

DENVER — (WARSOOR) – Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday cod-bixinta doorashooyinka horudhaca ah ee xisbiyada ee gobolka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Trump uusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo kadib doorkii uu ku lahaa dhacdadii bishii January 6-deedii ee sanadkii 2021 ay taageerayaashiisa ku galeen kuna qabsadeen xarunta baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill.