Maxay yihiin warqadaha ‘sirta ah’ ee laga helay xafiiska Biden?

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameyneysa dukumiintiyo ay suurta gal tahay inay sir yihiin oo laga helay xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden ee xarunta baarista, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Bishii November ilaa 10 ka mid ah faylasha ayaa laga helay armaajo qufulan oo ku taal Xarunta cilmi baarisyada diblumaasiyadda ee Penn Biden oo ku taal caasimadda Washington sida uu xaqiijiyay qareenada ee Mr Biden.

Warqadahan ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta Kaydka Qaranka.

Madaxweynihii ka horreeyay Mr Biden, Donald Trump ayaa wajahaya baaritaan ku saabsan in faylal sir ah loo qaaday Florida ka dib markii uu madaxweynaha noqday.

Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS News qaybteeda Maraykanka oo wada shaqayn ay kala dhaxayso BBC, FBI ayaa hadda ku howlan baaritaanka dukumentiyada sirta ah ee laga helay xarunta Penn Biden. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland ayaa laga codsaday inuu dib u eego waraaqaha.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay CBS News in xidhmadan waraaqaha ah aysan ku jirin siraha nukliyeerka, waxayna waraaqahani ku xirnaayeen sanduuq ay ku jiraan waraaqo kale oo aan xasaasi ahayn.

Richard Sauber oo ah la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Biden ayaa xog uu siiyay CBS Isniintii ku sheegay in faylalkan la helay wax yar uun ka hor doorashadii xilliga dhexe waxaana soo saaray  qareennada Biden kuwaas oo nadiifinayay goobta xafiiska.

Mr Biden ayaa xafiis ku lahaa xarunta fikirad aruurinta oo qiyaastii hal mayl u jirta Aqalka Cad, intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Mr Sauber wuxuu yiri: “Tan iyo markii la helay [dokumentiyadaas], qareennada gaarka ah ee madaxweynaha waxay la kaashadeen Kaydka [Qaranka] iyo Waaxda Caddaaladda si loo hubiyo in diiwaannada xiligii Maamulka Obama iyo Biden ay si habboon gacanta ugu jiraan gacanta Kaydka qaranka.”

Mr Trump ayaa isniintii kaga fal celiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, isaga oo waydiiyay: “Goorma ayay FBI-du weeraraysaa guryaha badan ee Joe Biden, iyo xitaa Aqalka Cad?”

Mr Trump ayaa waxaa ku socda baaritaan lagu eedeeyay in uu ka hor yimid codsiyo ahaa in uu dib u soo celiyo ilaa 300 oo dukumeenti sir ah oo uu u qaatay gurigiisa Florida ku yaal , Mar-a-Lago, ka dib markii uu xafiiska ka tagay. Kaydka qaranka ayaa maamulka ku war galiyey kiiskaas.

Faylasha Biden ayaa la helay wax yar ka hor inta aysan waaxda cadaaladdu ku dhawaaqin inay magacaabi doonto qareen madax-banaan si uu u go’aamiyo in si danbi ah loogu soo oogo Mr Trump faylalka laga helay xaruntiisa gubadda Golf-ka.

James Comer oo ah xubin ka tirsan aqalka Congress-ka, sidoo kalena ah guddoomiyaha cusub ee xisbiga Jamhuuriga ee Guddiga Kormeerka Aqalka, ayaa Isniintii sheegay in maaraynta waraaqaha Biden ay keentay su’aalo ku saabsan dhexdhexaadnimada waaxda caddaaladda.

Waxa uu u sheegay warbaahinta: “Tani waa walaac dheeraad ah oo ku saabsan in uu ka dhex  jiro waaxda caddaaladda nidaam cadaalad ah oo laba waji leh, marka la eego sida ay ulakala dhaqmaan Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta, weliba sida kala duwan ee  ay ula dhaqmaan madaxweynihii hore iyo madaxweynaha hadda.”

Xarunta Penn Biden iyo kaydka qaranka midna kamay hadlin isla markiiba.

Bishii Sebtembar, Madaxweyne Biden ayaa ka soo muuqday CBS waxaana la weydiiyay falcelintiisa sawir muujinaya dukumeentiyada laga helay Mar-a-Lago.

“Sidee qofi u samayn karaa masuuliyad darada intaa la eg?” ayuu yiri madaxweynaha.

Xigasho: BBCSOMALI