Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland oo hortagay guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan la yeeshay masuuliyinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle oo markii kulankaasi soo dhamaada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi salka ku hayay baadhidii xisaab-xidhkii dawlada, taas oo uu guddida u soo gudbiyay hanti dhawraha guud ee qaranka.

Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ay wax ka waydiiyeen lacagaha Jaamacadaha wasaaradda hoos yimaadaa ay ka qaadaan ardayda, taas oo guddidu sheegtay in loo baahan yahay in wax laga bedelo, inta ka horaysa xiliga Jaamacaddahaasi qaadanayaan arrdayda cusub, Xildhibaan Siciid Maxamed wuxuu intaas ku daray in wasaaradda ay isla qaateen in arrintaas loo saaro guddi laba dhinac ah oo soo darsa.

gabogabadii wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in arrimihii ay ka wada hadleen guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada ay ahayeen kuw muhiim u ahaa wasaaradda, isla markaana ay dhiiri-galin u tahay qorsheyaasha ku saabsan Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dawladu maamusho, kuwaas oo wasaaraddu hirgalintooda ku hawlan tahay.