Magaaladda Berbera Oo Lagu Daah-furay Midaynta Man-hajka Madaariska Qur’aanka Kariimka ah

Berbera – (warsoor) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa magaaladda Berbera ku qabatay Munaasibad ay ku daahfuraysay Midaynta Man-hajka Madaariska Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolka Saaxil.

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Wakaaladda Wararka Solna ee Gobolka Saaxil Mukhtaar C.raxmaan Maxamud  Waxaa munaasibadaas ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Agaasimayaal ka socday Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, Culimada kala duwan ee Magaaladda Berbera,Maamuladda Madaariska Qur’aanka kariimka ah iyo marti sharaf kale.

Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Gobolka Saaxil Maxamed Axmed Faraare ayaa si qoto dheer u sharaxay Man-hajkan lagu midaynayo madaariska qur’aanka kariimka ah kaas oo uu xusay inuu ka kooban yahay 9 Kitaab, Waxa uu isu-duwuhu sheegay in Man-hajkani ka fudud yahay kii hore ay u dhigi jireen Madaariska lagu barto Qur’aanka Kariimka ahi.

Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay qaar ka mid ah Culimadda iyo maamulayaasha Madaariska qur’aanka kariimka ah ee magaaladda Berbera oo soo dhaweeyay Man-hajkan ay soo diyaarisay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta kaas oo ay ku tilmaameen mid faa’iido badan u yeelanaya da’yarta ku hawlan barashadda iyo xiftinta qur’aanka kariimka ah.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi oo gabo gabadii Munaasibadaasi ka hadlay ayaa bogaadin u soo jeediyey Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee suurtogelisay in la helo man-haj midaysan oo lagu dhigo dugsiyadda lagu barto qur’aanka kariimka ah waxaa kale oo gudoomiyuhu kula dardaarmay maamuladda iyo macalimiinta madaariska qur’aanka kariimka ah ee gobolka saaxil inay dabaqaan man-hajkan tacabka badani ku baxay.