MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XEER MADAXWEYNE KU DHISAY SANDUUQA QARAN EE CIMILADA, MAGACAABAYNA AGAASIMAHA SANDUUQAN

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

DHAMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so