MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA DALKA

Balli Doogle – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Tababarada Ciidanka Danab Gashaanle Xasan Tuure tababar sare ugu soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo dhammaantood ku dhiirrigeliyay ciidamada in ay sii wadaan hawlahooda qaranimo iyo difaaca dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so