MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA ARRIMAHA CIIDAMADA QALABKA SIDA

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hayโ€™adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale masโ€™uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Lataliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so