Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

JABUUTI – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

-DHAMMAAD-