MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA CAALAMIGA AH EE MAALGASHIGA BEERAHA

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirweynaha caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay fursadaha maalgashiga beeraha dalka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galayaan khubarada beeraha dalka, ganacsato, maalgashadeyaal caalami ah iyo madax ka socda Midowga Yurub ayaa looga hadlayaa sidii kor loogu qaadilahaa wax soo saarka Beeraha dalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so