Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaumaha dibadda Turkiga

Ankara (WARSOOR): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.