MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH KU TAGAY MASAR

Qaahira – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah kala xiriir;
Afhyeenka Madaxtooyada JFS
Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana)
Email: Spokesperson@presidency.gov.so