Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xiisadda u dhexysa Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegay in Addis Ababa aysan isku heysanin in ay marin u hesho badda Soomaaliya, laakiin ay isku khilaafsan yihiin qaabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay looga kireynayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidamada badda ah.