Madaxweyne Trump oo saxiixay tobnaan amar madaxweyne

WASHINGTON – (WARSOOR) – Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobanaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.

Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mid ah taageerayaashisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.