HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Goโaamiyey;
In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
