Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Inay Somaliland ka Furanayso Taiwan Xafiis

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxwynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Somaliland dhakhso uga furanayso Taiwan Xafiis Wakiil.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, oo bartiisa Twitterka maanta ku sheegay in cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somalilan iyo Taiwan uu ku salleysan yahay qiyam wadaag iyo is xushmeyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu intaas ku daray in dhawaan wefigii ka socday Somaliland si milgo leh loogu soo dhaweeyey dalka Taiwan.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ballanqaaday inay JSL si dhakhso ah Xafiiskeedii uga furan doonto magaaladda Taipei ee Caasimadda Taiwan