Boorama – (warsoor) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa booqday dhismaha mashruuca lagu dhisaayo waddada marta galbeedka magaaladda Boorama.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay wehelinaayo xubno ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland ayaa soo indho-indheeyey sida ay u socoto dhismaha waddadu. Waddadan ayaa waxaa dhagax dhigay madaxweynaha Somaliland 2015.
Madaxweynaha xubno ka mid ah masuuliyiinta iyo wax-garadka gobolka Awdal oo halkaasi madaxweyne ku-xigeenka ku siiyey warbixino la xidhiidha hawlaha gobolka ka socda iyo dhismaha waddadan laga hirgaliyey galbeedka magaaladda Boorama waxa ay soo kordhinayso.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay wariye Xuseen Caateeye: