Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Wersheda samaynta Caagaga (TAYO PLACTIC FACTORY) oo laga hirgeliyey Bariga Caasimadda Hagreysa, taasi oo buuxin doonta kaalintii Agabka caagaga oo dalka dibadiisa laga soo waaridi jiray bulshaduna baahi badan u qabeen.
Munaasibad balaadhan oo lagu daah furaayey Wershedaasi ayaa lagu qabtay Xarunta Wershedaasi waxaana goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf.
Ugu Horayntiina waxa halkaasi hadal ka jeediyey maamulka iyo masuuliyiita Wershedaasi cusub kuwaasi oo si faah-faahsan uga sheekeeyey, faa’idada ay dalka u leedahay Wershadan cusub ee lagu magacaabo (TAYO PLASTIC FACTORY) waxaana ay xuseen inay guud ahaanba dalka ka haqab tiri-doonaan weelka caaga ah noockasta oo uu ahaadaba sidoo kalena laga maarmi doono Caagii laga soo dhoofin jiray Waddamada jaarka ah, waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Wershadoodu ay dib u habayn ku samayn doonto guud ahaanba caaga la isticmaalo kaasi oo dib loo cusboonaysiin doono.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane, Maxamuud Xasan Sacad oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu horaynba hambalyeeyey Wershada cusub, waxaana uu soo dhaweeyey guud ahaanba Wershadlayda dalka oo ah lafdhabarta Horumarka Waddanka.
Madadxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii munaasibadaasi soo xidhay ayaa soo dhaweeyey Wershada cusub una rajaayey inay dalka wax badan ka tari doonaan, waxaana uu kula dardaarmay shirkada Tayo iyo kuwa kale ee dalka ka jiraba ay ku horumaraan maamul wanaag iyo fulinta wixii lagu heshiiyey sidoo kalena ku dhaqmaan nidaam Xisaabeed daah furan, dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay in Wershaduhu kaalin mugweyn ugu fadhiyaan Qaranka Somaliland ka xukuumad ahaana ay ay soo dhaweynayaan.
Wa-bilaahi Tawfiiq
—
Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland