Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay maamulka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

BERBERA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gelintii danbe waxa uu kulan la qaatay maamulka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku kormeeray mashaariicda horumarineed ee JPLG islamarkaana ay fulisay Dawladda hoose ee Seekh, sidoo kalena Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta Xaafadaha Magaalada Sheekh.