Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheiinayaan xubno ka mida Golaha wasiirrada oo la kulmay wafti ballaadhan oo ka socday Hay’adda WFP

Hargeysa -(WARSOOR)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheiinayaan xubno ka mida Golaha wasiirrada ayaa la kulmay wafti ballaadhan oo ka socday Hay’adda WFP.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta Xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac iyo dar-dar gelinta arrimaha Binu-aadannimo, iyadoo laga duulayo sidii bulshada jilicsan loo gaadhsiin lahaa lacagaha taakuladda ah IWM.

Ugu dambeyntii waxa la isla qaatey in qodobaddi lagu lafo-guray kulanka sidooda loo fuliyo, wixii dhimana wada-hadalkoodu sii socdo.