Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo kormeer ku tegay deegaanno ku yaalla Hawdka gobolka Togdheer

Qoryaalle – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee guddida gurmadka abaaraha, ayaa maanta kormeer indho indhayn ah ku kusoo maray deegaanno kala duwan oo ku yaalla howdka gobolka Togdheer, kuwaas oo ay kamid yihiin Qoryaale, War-cimraan iyo Shansha-cadde, halkaas oo ay ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dadka iyo duunyada halkaas ku dhaqan.
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa intii ay kormeerka ku jireen waxa ay xadhigga ka jareen ceel riig ah oo ay xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Shanshacadde, kaas oo ay xoolaha iyo dadkuba si joogto ah uga cabbayaan, islamarkaana wax weyn ka taray heerka biyo yaraanta ee halkaa ka taagan.