Hargeysa – (WARSOOR) -Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaangelinta samaynta buugga gaadiidka dawladda oo dalka ka bilaabmatay.
Diwaangelintan, ayaa looga gol leeyahay in la tirakoobo, lana Diwaangeliyo dhamaan Gaadiidka dawladda, waxaaney socon doonta muddo bil, iyada oo ka qabsoomi doonta dhammaanba gobollada dalka.
Munaasibadda daah-furka diiwaangelinta samaynta buugga gaadiidka dawladda, waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgalay wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim ( Cismaan Afgaab )Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Mudane Muniir Axmed Cigaal, Agaasimaha Guud Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Eng Ahmed Muxumed Cabdi Agaasimeexada Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada iyo Agaasimaha Waaxda Liisamadda, shaqaaalaha Diwaangelinta.