Madaxweyne JFS oo gaaray dalka Itoobiya

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis-ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Itoobiya ku tegay ka dib martiqaad rasmi ah uu ka helay Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ayaa wuxuu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.