MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dawladda federaalka ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu bari u safri doono Eriteriya.
Safar madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay heshiiska iskaashiga ee saddex geesooda ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulano la yeesho madaxweynayaasha Itoobiya iyo Erateriya.
