HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-036 /012025 uu ku magacaabay Agaasimeyaal Guud oo Cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan masโuuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan goโaamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masโuuliyiinta hoos ku xusan:
- Muniir Axmed Cigaal Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen Kaahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Cabdirisaaq Axmed Gaas Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland
- Cabdalla Maxamed Yuusuf Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Dr Axmed Maxamuud Jaamac (Zaki) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland
- Axmed Cismaan Jaamac Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Siciid Muuse Xoosh Coofle (Rooble) Agaasimaha Guud ee Hayโadda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Aadan Jaamac Ducaale Barre Agaasimaha Guud ee Komishinka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland