Madaxweyne Ciro oo Wareegto Ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay XM/G/083-049/012025 uu ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Dhammaan Mas’uuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa

Og: Dhammaan Taliyayaasha Ciidammada JSL Hargeysa

𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 & 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

Sida aad la socotaan, waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dib-u-habaeynta, dardar-gelinta, casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda maanta waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta ee Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐮 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐧:

  1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca – Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga – Gud/Kuxigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada – Xoghaye
  4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha- Xubin
  5. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda – Xubin
  6. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda – Xubin
  7. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha- Xubin
  8. La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha – Xubin

Haddaba, waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhammaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay howshani.

Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee dalka waxa aan farayaa in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan aan u xilsaaray.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡


𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝