Madaxweynaha Xasan oo ka Qaybgaley caleemo-saarka Madaxda la doortay ee Dawlad Goboleedka Puntland

Garoowe – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Garoowe uga qaybgalaya caleemo-saarka Madaxda la doortay ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.