TUNIS – (WARSOOR) – Madaxweynaha dalka Tunisia ayaa Axaddii dhaleeceeyey cunsuriyadda, waxuuna sheegay in cawaaqib sharci la marin doono cid kasto oo lagu helo.
Arrinkan ayaa yimid 10 cisho ka dib markii uu ku dhawaaqey tallaabooyin uu wax kaga qabanayo muhaajirnimada sharci-darrada ah asagoo isticmaalay luuqad Midowga Africa ay cambaareeyeen kuna tilmaameen kuwo ay ku dheehan yihiin nacayb isir.