Kambala โ (warsoor) โ Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa khamiistii ka qay-galay xafladan lagu caleemo saaray madaxweynaha Yugaandha oo mar kale xilka madaxweynaha dalkaasi loo doortay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah qaar ka mid madaxweynayaasha Afrika oo lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxweyne Yugaandha Yoweri Museveni oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika, General Idriss Dรฉby Itno,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika, Jacob Zuma, Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, Raโiisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamka kaleba ka socday.
Amaanka magaaladda Kambala ayaa aad loo ilaaliyey waxaana gabi ahaanba la fasaxay dhamaan shaqaalaha dawladda, waxaa la xidhay wadooyinka magaaladda.
Xafladda Caleemo saarka madaxweynaha Yugaandha ayaa ka lagu qabtay garoonka kubaadda cagta ee Kololo oo ku yaala badhtamaha caasimadda Kambala.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey doorashadda dib loo soo doortay madaxweyne Yoweri Museveni waxaanu sheegay in dawladda iyo shacbiga Yugaandha ayaa garab joogsadee umadda Soomaaliyeed si ay uga soo kabato dagaaladdii sookeeye ee dalkaasi raadiyey iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Museveni ayaa dalkaasi soo xukumaayey tan iyo 1986-kii, waxaana sanaddii 2005 wax laga badlay dastuurka dalkaasi si loogu ogolaado intuu dalkaasi sii xukumo muddo kale.