HARGEYSA – (WARSOOR) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu shaaciyey kulan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midowga Yurub.

Warsaxaafadeedkan ayaa u qornaa sidan:
“Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.
Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.
Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame JaamacAf-hayeenka Madaxweynaha JSL”