Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo dayactir lagu sameynayo

Garoowe – (WARSOOR) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir iyo dib u habayn lagu samaynayo kadib bur bur ka soo gaaray qaybo ka mid ah wadadaani Roobab sanado kala duwan wax yeeleeyay.

Madaxweyne Dani, ayaa warbixin ka dhegaystay masโ€™uuliyiinta dowladda ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa dayactirka wadadaani oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.

waxaana Kormeerka madaxwaynaha ku wehelinayay wasiirada Maaliyada, Howlaha Guud, iyo Kusimaha Heyโ€™ada wadooyinka Puntland.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa in ka badan 7 million oo dollar oo laga bixinayo qasnada dowlada ku dayac tiraysa wadooyinka Muhiim ka ah ee isku xira deegaanada Puntland uuna soo gaaray burbur kala duwani.