Madaxweynaha Puntland oo is-bedel ku sameeyey qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada maamulka

GAROOWE – (WARSOOR) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga goโ€™leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal, sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweynuhu u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Dikreetadaan ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.